Ma heshaa fitimiin D kugu filan? | Somali
Dadka maqaarkoodu madaw yahay ama haddii uu jirkaagu inta badan dadan yahay
Haddii uu maqaarkaagu madaw yahay ama uu inta badan dadan yahay (shaar gacmadheere ah, sarwaal dheer, cabbuur dheer ama maro luqunta lagu duubto), waxaa laga yaabaa in aadan helin fitimiin D kugu filan.
Jirkaagu wuxuu fitimiin D sameeyaa marka ay qorrax ku dhacdo. Laakiin dadka maqaarkoodu madaw yahay jirkoodu wuxuu sameeyaa fitimiin D ka yar midka dadka uu maqaarkoodu cad yahay. Jirkaagunu fitimiin D ma samayn karo haddii aad gudaha ku jirto ama joogto meel hoos ah - ama haddii uu jirkaaga dhar ku dadan yahay.
Kalluunka, hilibka, caanaha iyo ukunta waxaa ku jira fitimiin D, laakiin kuma jiraan in nagu filan.
Waa maxay sababta aad fitimiin D ugu baahan tahay?
Carruurtu fitimiin D ayay u baahan yihiin si ay u koraan. Dadka waaweyn fitimiin D ayay u baahan yihiin si ay murqahooda iyo lafahoodu u xoogaystaan.
Haddii aad uur leedahay, waa muhiim in aad hesho fitimiin D kugu filan - ilmaha aan weli dhalan waxay u baahan yihiin fitimiin D, kaas oo ay gebi ahaanba hooyada ka helaan.
Fitimiin D-ga oo kugu yaraada wuxuu keeni karaa jirro, jir-xanuun, murqaha oo ku roora, ama in aad calaacalaha, gacmaha, cagaha iyo lugaha ka dareento sidii in ay wax ku mudayaan. Waxaa sidoo kale dhici karta in aad dareento daal iyo in aadan lahayn tamartii aad u baahnayd si aad nololmaalmeedkaaga uga soo baxdo.
Dhakhtarkaaga la hadal haddii aad ka shakisan tahay in uu fitimiin D-gu kugu yar yahay.
Sida lagu helo fitimiin D
Waxaad fitimiin D ka heli kartaa fitimiinnada badan ee isku jira, kaniiniyada kaalshiyamka, kaniiniyada fitimiin D-ga iyo goojooyinka fitimiin D-ga. Ogow in ay kala duwanaan karaan caddadka fitimiin D-ga ah ee ku jira kaniiniyadaas kala duwan.
Fitimiin D intee le’eg ayaad u baahan tahay? Hey’adda cuntada iyo xoolaha ee Denmark iyo Agaasin ka caafimaadka Denmark waxay ku taliyaan in aad maalintiiba qaadato fitimiin D-ga soo socda:
Carruurta iyo dadka waaweyn
- Dhallaanka (laba toddobaad ilaa iyo laba sano): 10 μg oo fitimiin D ah maalintiiba (400 IU) oo ah goojooyin fitimiin D ah. Dhakhtarkaaga ama kalkaalisada caafimaadka weydii.
- Carruurta: 10 μg oo fitimiin D ah maalintiiba (400 IU).
- Dadka waaweyn: 10 μg oo fitimiin D ah maalintiiba (400 IU).
- Haddii aad uur leedahay ama aad ilmo naaska nuujiso: 10 μg oo fitimiin D ah maalintiiba (400 IU).
Haddii aadan caano cabbin ama cunin waxyaalo caano laga sameeyay, waxaa markaas loo baahan yahay in aad fitimiin D-ga la qaadato kaalshiyam.
Carruurta (hal ilaa sagaal sano jir) waxay u baahan yihiin 500 mg oo kaalshiyam ah maalintiiba. Dadka waaweyn, kuwa uurka leh ama ilmo naas nuujiya, iyo carruurta ay da’doodu ka weyn tahay 10 sano waxay u baahan yihiin 500-1000 mg oo kaalshiyam ah maalintiiba.
Dadka daciifka ah iyo kuwa da’ ah
- Dadka gurigooda lagu caawiyo ama kuwa ku jira guryaha dadka lagu xannaaneeyo (da’day doonaan ha jireene): 20 μg oo fitimiin D ah maalintiiba (800 IU)
- Kuwa ka weyn 70: 20 μg oo fitimiin D ah maalintiiba (800 IU)
- Dadka khatarta ugu jira lafa-burburka: 20 μg oo fitimiin D ah maalintiiba (800 IU)
Caano ama wax caano laga sameeyay intaad doonto ka qaado e waxaa loo baahan yahay in aad fitimiin D-ga la qaadato kaalshiyam
Dadka gurigooda lagu caawiyo ama kuwa ku jira guryaha dadka lagu xannaaneeyo, ama kuwa ka weyn 70 sano, ama kuwa khatarta ugu jira lafa-burburka waxay u baahan yihiin 800–1000 mg oo kaalshiyam ah.
Warbixin intaan ka badan
Warbixin intaan ka badan oo ku saabsan cuntada caafimaadka leh ka akhriso www.altomkost.dk (boggu wuxuu ku qoran yahay af-daanish) Waxaad buugyarayaal intaan ka badan ka dalban kartaa Guddiga waxbarashada caafimaadka ee Denmark www.kfsbutik.dk/en