xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" viewBox="0 0 54 54">
Gå til indhold

Jadeecada | Measles

Information in Somali

Jadeecada xaxay kamid tahay cudurada ugu badan ee la kala qaado. Da’ waliba dadku  waxay qaadi karaan jadeeco. Balse haddii dadka qaangaarka ahi uu cudurka  haleelo, badanaa way kaga jirro badanyihiin carruurta.

Denmark, carruurta waxaa la siiyaa tallaal looga hortago jadeecada, qaamoqashiirka iyo rubella (tallaalka MMR) sida qeyb ka ah Barnaamijka Tallaalka  Carruurta Danish-ka. Tallaalka MMR wuxuu siiyaa illaalo waarta ee looga  hortago jadeecada. 

Carruurta iyo dadka qaangaarka ah ee aan horay looga tallaalin  jadeecada waxay u qalmaan tallaal bilaasha ah.

Jadeecada | PDF

Waa maxay astaamaha jadeecada?

Aastaamaha hore ee jadeecada ayaa caadi ahaan ah qarqaryo, qandho  sare, caajis (dareenka jirada), qufac iyo indho gaduudka iyo xanuunka.  Qiyaastii 3-4 maalmood kadib, nabraha gaduudan/binkiga ah ayaa ka soo  muuqanayo oo kadib ku faafo jirkoo dhan.

Badanaa dadka ku dhacdo jadeecada ayaa si buuxda uga bogsada.  Dhibaatooyinka caadiga ah ee jadeecada oo ay ku jiraan caabuqyada dhagaha  iyo hargabka.

Xaaladaha dhif ah, jadeecada waxay keeni karaan bararka unugyada maskaxda (bararka  unugyada maskaxda), taasoo sababi karta waxyeelada maskaxda joogtada oo waxay noqon  kartaa arrin nafta halis geliso.

Caabuqa jadeecada wuxuu qaataa qiyaastii 1-2 todobaad. Qofka qaba jadeecada ayaa ku  laaban karo daryeelka carruurta /dugsiga/shaqada markii ugu yaraan 4 maalmood ay ka soo  wareegato tan iyo markii ugu horeysay ee nabarka hore soo baxay oo ay dareemaan fiicnaan.

Kala hadal dhaqtarkaaga haddii qandhada aysan hoos u dhicin maalmo yar kadib markii  ugu horeysay ee nabraha soo baxaan, haddii aad weli dareemeysid jiro, ama haddii aad  walaacsantahay.

Sidee loo daaweeyaa jadeecada?

Wax daawo ah looma hayo jadeecada, balse waxaa suurtagal ah in calaamadaha la dajiyo.

Kala hadal dhaqtarkaaga haddii aad mooddo inaad qaaday jadeeco. Xaaladaha qaarkood,  daaweynta ka hortag ah ayaa la siin karaa ka hor inta aysan aastaamaha soo bixin.

Is tallaal haddii aad safarto

Denmark, tirada dadka qabo jadeecada way hooseysaa. Tan ayaa waxaa sabab u ah dadka  badankood waa laga tallaaalaa jadeecada. Haseyeeshee, Yurub iyo aduunka intiisa kale, tirada  kiisaska jadeecada ayaa aad u sareysa, iyo qatarta ah inaad qaadid ayaa ka badan Denmark.  Sidaas darteed, waa inaad hubisaa in adiga iyo canugaaga laga tallaalo jadeecada, haddii aad  qorsheyneysid inaad safartid.

La hadal dhaqtarkaaga haddii aad rabtid in lagui tallaal

Opdateret 14 OKT 2025